Ixtiraam gobaadiyo
Wanaag baanu isku ogaynee
Eed gashayee  waxaa kugu wacan
Waa garaadkaaga

Indhahaaga oo shan ah
Adaa iska barayee
Naf lagugu aaminay
Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn yidhiyee

Alla si uun ii gal
Aadmiga kaaga soo go’ayee

Sidaad ii gashaan wali
Ogow uurka ku hayaa
Aafa goysa ka waxaa iiga daran
arimihii dhacayee

Indhahaaga oo shan ah
Adaa iska barayee
Naf lagugu aaminay
Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn yidhiyee

Alla si uun ii gal
Aadmiga kaaga soo go’ayee

Maxaan aamusnaadaa
Wadnaha iiga taalaayee
Qalbigayga nabarka
aduu u sida a Maqaarkase

Indhahaaga oo shan ah
Adaa iska barayee
Naf lagugu aaminay
Saaray oogada ee
Adigaa axdiga qaaday oo
Waan adkeyn yidhiyee

Alla si uun ii gal
Aadmiga kaaga soo go’ayee

Exit mobile version