Horta maxaa jacayloow
dadka u jaanjaamisaa
Jidhidhico xanuunbadan
Jidhkooda ugu beertaa
Jidiinka uga goysaa
Danta uga jikaartaa
Markay kuu jilcaane
Joog iyo jiifba ka quustaan
Adigoon ujixin jixin.
Uga jeesataayoo
jaw jaw u tidhaah.

Horta Maxaad jacayloow
aad midha. Jalaatiyo
Jeelib ugu gudubtaa
Keen yaha laabta
suuldaar uhu jiidaa
Dibjir ugu tuurtaa
Dakhar ugu jeexdaa
Wadne jeelku. Raagoo
Tabarjiga kuu rabay
Jihada uga lumisaa
Jarkauga riixdaa

Exit mobile version