waloow wakhtigu is guro
dunidu tahay waayo qoran
wanaagbaa lagu socdaa
waynahaba laga baqaayee
wadkuunbaan waabaynine
jacayl wabax wuu noqdaa
haday laba wacad lahaa
wanaag isla kaashadaan
kalsami isku weheshadaan
warkaaguunbaa imara
wajigaagaa i qurxoon
waxyeeliyo xumaan
wadeeco kulama rabo

walaal hadaan ku arag
naftayda waxbaa ka dhiman
wadnaha adigaa ka maqan
lurkiyo walwalkaa ku badan
waaxyaha xiisaha ku maran
kalgacalbaan kuu wada
weedhaha farxadaan sidaa
wacaashaadoon helaa
wahabku iga duuli laa
warkaaguunbaa imara
wajigaagaa i qurxoon
waxyeeliyo xumaan
wadeeco kulama rabo
warkaaguunbaa imara
wajigaagaa i qurxoon
waxyeeliyo xumaan
wadeeco kulama rabo

Exit mobile version