Adigaa janooy
Midab jawharloo
Jaahaaga bilan
Toban jeer indhihu
Soo jaleecayaan
Jacaylkaygiiyeey
Jawi ban ku jiraa
Adaa ii jeceloo
Kugula jiraa
Anigaba jidbada
Jeexaygiyoow
Dareen jiitaybaa
Kuu jeel qaboo
Jirkaygaa ku taba
Jeexaygiiyoow
Jawi baan ku jiraa
Adigaa i jeceloo
Kugula jiraa
Anaa ku jantoo
Kunjeer baby
Anaa ka badan ku jecel
La joogaaga kunjeer baby
Ka badan anaa ku farxaa baby
Nimcad baan aalaaye
Bal isug xagee ku jiraa
Ma adaa iisoo jilcayaa
Ma janadii baan jiifaa
Ma riyaan kula jilayaa
Mise waynu wada joognaa
Jeegaanada la mood
Qalbiga kula jira
Aad jaar u tahaa
Kuu jibaysanoo
Jeel agu qabtiyo
Xadhig joojinayn
Jananka xiskiyo
Nafta jilib xidhoow
Ruuxda igu jirtaa
Kuu janaaniso
Jeel lagu ceshiyo
Aadyar joojinayn
Jawi baan ku jiraa
Adaa i jeceloo
Kugula jiraa