ALLAHAYOW maxaa iga qabsaday
waan qarsanaayo mooyee
muxuu jidhka qalay jacayl
maxaan qamuumyoodee

maxaan yarka ku qarway
maxay riyo i qalday
indhaha goortaan kala qaaday
qofba ilama joogine

sow naxdin qac maan odhan
sow ilmadu imay quban
talo iga qaloocane
sow qalbiga kama ooyoo
jiriirico ima qaadeen

qalbigu kuu rabay
hadaan is qaban waynay

ilayn qool hadimo weeye
haduu qosolku beenyay
hadaad qaraar gaadhee

hadaad talo qorshaysay
inaad qar iga tuurto
waa qasaare halisee

Exit mobile version