Hadii uu dhibleeyahay
Ama dhaawac caashaqu
Anaa la iidhameeyoo
Qadhaadhkiisa dhamayoo
Dhandhasadaye ma ogtahay
Adna dhaayahowgow
Dheeraa jacaylkaan
Igu dhagay halbawlaha
Qalbigaad ku dhigantoo
Ana dhaafin ma ogtahay
Dhadhabkiyo xasuustuna
Anigoo isdhaabayn
Inaan kuu dhawaaqoo
Igu dheertahay ma ogtahay

Ama dhibicda roobkiyo
Sida dhoolkiiyoo kale
Dadku ay udhowraan
Inaad iga dhinaydoo
Kaa dhursugo ma ogtahay

Dheehoo jacaylkan
Dhaka faarsho weeyaan
Midkan iigu kaa dhacay
Ani iigu kaa dhacay
Looxa iigu kaa muday
La dhibtooda ma ogtahay
Dhugashada kalgacalka
Markii aan ku dheehdaba
Maanku inuu dhalaalo
La idhexqaado ma ogtahay

Exit mobile version