malyuun holi marley dumar haday madax banaan tahay
miduun baana guursada labana waxaa mideeya
waa mayrax iyo dhaqan iyo meher islaameed
maxfal iyo mashxarad guur waatan kaaga magan ahay
maqaloo macnaha dhuux ha macaate maaree
dadku inuu markhaatiga ku masuugo laga roon
waxaa tahay marwo haween dumar mudanidoodii
waxse meesha sii yiil xaaje laba mudaystee
goorta la isku magac dhabay iyo midho dhalkeedi
maahmaahda ila garo murtida ha igu baylihin
marwo dawrsan baan ahay ku miliilicdaan ahay
sida mayda geeloo loo dhigay maqaarkii
yaan kuu muhunayaa jacayl ku madiixaa
is murwaadinteenuna waa lagama maarmaan
maqaloo macnaha dhuux ha macaatee maaree
inkastood macaan tahay waxaan maaro loo hayn
ha u muraadin baan waxan indhihiisa maarod
ruux xanuun mari karinoo madh fududna hay qabin
miyaa kurus ku moosmaa marna baarka dhaafaa
maahmaahda ila garo murtida haygu baylihin

Exit mobile version