marwadaan jantee
mareegaha jiidhkiyo
maskaxduba darteed
miiratee dhibaca
maxabada jacayl

mahiigaan curtoo
miisaan watiyo
mayay igu da'oo
mulkiday naftii
maantaba i hooyoo

muuqeeda wacan
midab quruxsanaanta
ku mabsuudayaaye
mataanee cishqiga

mudanihii naftaydoow
mulaaxdii hankiyo
maankiyo wadnuhu
maskeedaan ibtiyo
miidii kalgacal

muhashadii jacayl dareen
mawjado durba igu milmay

marti caashaqbaan
maantaba nahee
ii maan furnoow

Exit mobile version