Maxaan hayboow
Kuddoonay
Habeenimo aan ku raadshay
Hummaaggii aragtidaada
Maxaa been la i horkeenay

Naftaydu maxay harraaday
Haboowgii beer caddaadshay
Maxaan hagaag kadduu
Hilowgaa orad ku raagay

Inaan hiinsaday jacaylkaaga
Hinfiriyeen weliba hingaadmay
Hubaaal weeye yaqiinsoo

Markaan caashaqa horaayee
Aaan hoorshee aan hureeyaay
Haweeyaay aan lahaa
Maxaad halaq iiga haboobay

Anoo kaligaa u heellan
Heshiiskii maxaad ku boodday
Maxaad harraadoo miyo oomay
Haruur qudha iigu diiday

Nabsigu wuu ku hagayaayoo
Ku heloo ku soo dhex haayee
Miyuu haaamaha ku saartay
Sidii biyo kuugu hooray

Habbooni maxaan uraadshay
Halyeeyada kaa dhex baadhay
Si aan kuu helo macaanoow
Hiriyo buuraha u jiiray

Maxaan hadalkaaaga dhawroo
Jacaylkeennii hingaadshay
Maxaan haybsaday dhankaa
Hantaawili kii ku daalay

Inaan hiinsaday jacaylkaaga
Hinfiriyee aan higaagmay
Hurdiyo socod kugu xasuustoo
Hubaal weeye yaqiinso

Maxaan hoos u iri jacaylkaa
Kula hagooo aan ka hoogay
Hafeefiyo haaro ii yeelay
Dhankaagana hiiil ka waayay

Haweeyaay miyaad hilmaamtay
Jacaylkii inaad hallaysay
Adigu halalow inaad ku tuurtay
Aniga abid ima heleeen

Nabsigu wuu ku hagayaayoo
Ku heloo kusoo dhex haayee
Miyuu haamaha ku saartoo
Sidii biyoo kuugu hooray

Exit mobile version