aduunyadu waa hayaan
hadhkiyo waa labadiisa galin
hoosiisbaa loo arkoo
inaad hubisaa haboon

dharaartii ma hadhsadoo
habeenkii ma hurdayee
naftaydan la hadlayaa
intaa waan hiifiyaa
hankaaga waxaan ahayn
ka guur hiyigaan dhahaa

jacaylkuna waa hanfi iyo
dabaysha hugmaysa oo
sidii haadkuu lalaa
sidii haatufkaan la aragoo
samaduu heehaabayaa

intuu i haleelaybuu
misana halistii dagee
warmuu la haleelayoo
hootadii hootadiibuu ila helee

cishqigu meel ma hadhsadoo
hogaanbu igu wadaa
haadaanbuu iga ridaa
hamuum anigo u qaba oo
haraadkii i hayaba
damac ku hungoobayaa.

jacaylkuna waa hanfi iyo
dabaysha hugmaysa oo
sidii haadkuu lalaa
sidii haatufkaan la aragoo
samaduu heehaabayaa
damac ku hungoobaya

Exit mobile version