caashaay qaalibaad tahay
qalanjadii haweenkiyo
inan qiimo laad tahay

qotonkiyo hanaankiyo
qaabkaaga socodkiyo
timo qadawgana u eege
qarqarada ka daadagaybaa
maanka qaadanaayoo
qalbiga jiidanaayoo
qancisoo naftaydii
waan kugu qaboobiyee
qancisoo naftaydii
waan kuu qushuuciye

quruxdii togdheereey kaalay
ubaxii qoryaalaay kaalay
kaalay aniga ii kaalay
quruxdii burcaad tahee kaalay
quruxdii togdheereey kaalay

caashaay qoorta dheeriyo
suniyaha qorqoraniyo
dhabanada qurayshta ah
sanka soo qandoodiyo
qosolkiyo dibnaha wacan
dhexda qabatinka ahee
siduu QAADIR kuu dhigay

Exit mobile version