qudhu raadisee raadisee
qarni rubuciibaan
qiirada kalgacal
la qandhoonayee
qolqol iyo ardaa
qasri joogtaya
qaxii yemen raacdaaya
qaaradaa shishiyo
qoom kale dhexdood
ku qarsoontayaa
ku qarsoontayee

qadar iyo ayaanbaa
ina kala qarshaye
qudhus iyo daraa
kuma qoofalniyo
qaaliyow halkii
qayrkay jiriyo
qalinbaan sitaye
qudhu waatane
igu qabo wadnaha

QAADIR mahadii weeyi
qiiradii kalgacaylkaygu
qabyo tira qalbi fiicanbu helay

anba kuu qushuucayoo
qaamuska noloshayda
qayb ka mida inaad tahay
qaali ii ogsoonow

Exit mobile version