Nuurkii wax jacelee
Arimadu ku maqantahay
Ilayn ma laha awaalkiyo
Gulashada ma dayee
Hurdadii ayamaahan
Waa lay aroorshaa
Laytusaa alaylkii
Inagoo aroos ahoo
Aynu aqal galaynee
Sidaan kugu heeladoo
Adna may ii ogtahayoo
Riyo maygu aragtaa
Malihidii aniguna
Ma ilduufin taladee
Waayaha aduunkaa
Inakala irdheeyoo
Anafacii ayamaaha
Waan u oonsanwaayoo
Mar qudhaa ku eegaa
Kuu qabaa abaaloo
Kuu qadaa ayaamo ee
Sidaan kugu heeladoo
Adna may ii ogtahayoo
Riyo maygu aragtaa