inanyahaw rag iyo dumar
rabi baa isku uumoo
wixii uurku uu rabo
afka lagama reebooo
waaan kugu riyoodaa
waan ku daalay raadiskaagee
way way way
waan ku daalay raadiskaagee
heey heeey heey
qalbigi ku raacaa
raysan waayay awgaa
iga daa rogrogashada

inanyahaw rucliyo orod
kugu raadshay anigiyoo
rugta aad ku nooshahay
mudo badan ku riiqmoo
ricinraafay jabayeey
waan ku daalay raadiskaagee
way way way way
oo ku daalay raadiskaagee
heey heey heey
qalbigi ku raacaa
raysan waayay awgaa
iga daa rog rogashada

raaliyada dumarkaa
iigu wacan rafaadkoo
inankaan rabaa anigu
hadalkii ka reebtoo
kana raysan waayee
waan ku daalay raadiskaagee
way way way way
oo ku daalay raadiskaagee
heey heey heey
qalbigi ku raacaa
raysan waayay awgaa
iga daa rog rogashada

Exit mobile version