Garka iyo wadnaha,
I kala goysoo
Gantaalihii jacaylkaagii
Bay i ganaayee!
Inta aanan go’in
Godka aana teginee!
Ii soo gurmoo!
I soo gaadhee!

Ruuxa gala abaal
Marbaa loo gudaa!
Sida gacal laba ah
Aan is garabsannoo
Geerida horteed
Aan is garabsannoo

Gucle iyo orodbaa,
Intaa gelayaa
Ma gam’oo aragaagii
Baan goobayaa!
Anoo gelin xumaan
Haygu noqon gardiidee!
Ii garasamoo
I gacan siiyee

Ruuxa gala abaal
Labaa loo gudaa!
Sida gacala baa
Aan is garabsannoo!
Goor iyo ayaan
Aan is garabsannoo;

Gelinna ma hadhsado,
Habeen iyo galaboo
Geddoomoo xusuustaadii
Baan gadmayaa!
Geed baan damqane
Godob hayga qaadinee
Gu’gay waa yaryee
Gabow ha igu ridinee!

Ruuxa gala abaal
Marbaa loo gudaa!
Sida gacal laba ah
Aan is garabsannoo
Geerida horteed
Aan is garabsannoo.

Exit mobile version