taya male murtiday tiriyaan dad qaarkood
badhbaad toobal caariyo moodaa wax tuuga ah
hadii aanay tafiiriyo talaal soo jireeniyoo
aan ulahayn hidiyo tacab ama aanay taabicin
kuma tiixdo noolaha

dadbaa taakulayniyo tababarida heelada
tusalayn yaqanoo kuu saxa talaabada

waxaan tabanayaa jira oo aanan ka tagi karin
waa inaan tacadi loo oran la tix galiyo maansada

adigoon turxaan bixin oo ku tarin txdii wali
hadaad tiigsataa gabay waad ku turun turootaa
inta aan tab iyo xeel tuducyada lakala rogin
codka taba dhigiisiyo toos weedha loo oran
lamaa tiriyo heesaha

hoobal taaba galiyoo tafatirid yaqaanoo
kuu taabta dulucdoo toolmoon ayaa badan

Exit mobile version