VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Wad nahaad ku taal - Lyrics

Ereyadii & laxankii = Maxamed C Cabdi Codadkii = Fu,aad C Cabdi & Farxiyo fiska Walaasheey dhabaay Waa igu weyntahee Anigaba waa igu weyntahee 2x Warhayniyo adaa Waligaa ogaa Iga war doonayee Intaan weligay jiro Abaalkaa walaal Waan kuu haynayaa 2x Wadnahaad ku taalaaye Werwer iyo walaac Weyne kaa fogee Wadnahaad ku taalaaye Werwer iyo walaac Weyne kaa fogee Weyne kaa fogee Walaalkeey dhaboow Waa igu weyntahee Waa igu weyntahee 2x Waalidkii idhalay Hadyad waafiyo Weyne siiyayoo Waayaha aduun Wax kastoo jiraba Kaan ka weheshadoo 2x Wadnahaad ku taalaaye Welwel iyo xumaan Weyne kaa fogee Wadnahaad ku taalaaye Welwel iyo xumaan Weyne kaa fogee Weyne kaa fogee Walaashey runaay Waax iga midaay Anigaba waax iga midaay 2x Waano iyo talo Waxaad igu tidhaa Waxtar ii gashee Waalitada dunidan Aadmi waxa ku nool Adaa ila walaalee 2x Wadnahaad ku taalaaye Werwer iyo walaac Weyne kaa fogee Wadnahaad ku taalaaye Werwer iyo walaac Weyne kaa fogee Weyne kaa fogee Walaalkey dhaboow Waad ii wacantahee Waad ii wacantahee 2x Wiilasha indhuhu Wajigaa ku farax Nuur waabaroo Wadka lama huree Halkaad ku taal walaal Weedh ma koobasee 2x Wadnahaad ku taala ku taalaaye Welwel iyo xumaan Weyne kaa fogee Wadnahaad ku taalaaye Welwel iyo xumaan Weyne kaa fogee Weyne kaa fogee
Queue is empty
-- / --