VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Wad nahaad ku taal mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Farhia Fiska
Wad nahaad ku taal

Ereyadii & laxankii = Maxamed C Cabdi
Codadkii = Fu,aad C Cabdi & Farxiyo fiska

Walaasheey dhabaay
Waa igu weyntahee
Anigaba waa igu weyntahee
2x

Warhayniyo adaa
Waligaa ogaa
Iga war doonayee
Intaan weligay jiro
Abaalkaa walaal
Waan kuu haynayaa
2x

Wadnahaad ku taalaaye
Werwer iyo walaac
Weyne kaa fogee
Wadnahaad ku taalaaye
Werwer iyo walaac
Weyne kaa fogee
Weyne kaa fogee

Walaalkeey dhaboow
Waa igu weyntahee
Waa igu weyntahee
2x

Waalidkii idhalay
Hadyad waafiyo
Weyne siiyayoo
Waayaha aduun
Wax kastoo jiraba
Kaan ka weheshadoo
2x

Wadnahaad ku taalaaye
Welwel iyo xumaan
Weyne kaa fogee
Wadnahaad ku taalaaye
Welwel iyo xumaan
Weyne kaa fogee
Weyne kaa fogee

Walaashey runaay
Waax iga midaay
Anigaba waax iga midaay
2x

Waano iyo talo
Waxaad igu tidhaa
Waxtar ii gashee
Waalitada dunidan
Aadmi waxa ku nool
Adaa ila walaalee
2x

Wadnahaad ku taalaaye
Werwer iyo walaac
Weyne kaa fogee
Wadnahaad ku taalaaye
Werwer iyo walaac
Weyne kaa fogee
Weyne kaa fogee

Walaalkey dhaboow
Waad ii wacantahee
Waad ii wacantahee
2x

Wiilasha indhuhu
Wajigaa ku farax
Nuur waabaroo
Wadka lama huree
Halkaad ku taal walaal
Weedh ma koobasee
2x

Wadnahaad ku taala ku taalaaye
Welwel iyo xumaan
Weyne kaa fogee
Wadnahaad ku taalaaye
Welwel iyo xumaan
Weyne kaa fogee
Weyne kaa fogee

codkii Farhia Fiska, Fuad Omar