uu lagu deeqay
billah ay sameeyen
dadka laga simay
maadiga sahankaagu ahaa

bilic aan idlaaneyn
oon abid is kala rogin
ayniga ragaa jacayl
maagaha ugaaso

eegmada jaleecada
ubax daymo aragtida
naf aan jahil dhowrayn
maaha doqo hilkede

anoo ee galgacalkiyo
afeefkiyo odhaahdi
ha eraygaad i tidhibaa
ka adkeysan waaye

adigoo aqoonbadan
oon ku ogsooneyn
ha uga dhigtaada
alwadka igu beertay

eegmada jaleecada
ubax daymo aragtida
naf aan jahil dhowrayn
maaha doqo hilkede

Exit mobile version