Xiskiyo xasuustiyo
Xanxatada qalbiga
Xididada wadnihiyo
Inta xubin dhaqaaqdaba
Xaqdhowrbaad ka mudantoo
Ku xusaysa kaligaa
Nin xilqaadi karayoo
Inta camal xumaaneed
Qofba xeelad leeyahay
Xilkasbaad ka tahayoo
Xumaan waad ka dheertahay

Xubi iyo kalgacalbaa
Xoojisoo naftaydii
Xayndaab mar waa qaan
Xero nalagu beertaayoo
Uxanaanisaayoo
Ana kugu xushmeeyaa
Nin xil qaadi karayoo
Inta camal xumaaneed
Qofba xeelad leeyahay
Xilkasbaad katahayoo
Xumaan waad ka dheertahay

Exit mobile version