Xiskaa iyo xusuutiyo
Xadanta qalbiga iyo
Xididada wadnahaiyo
inta xubinta qaadaba
Xaqdhoowr baad ka mudantahoo
Ku xusooso kaligaa

Nin xilqaadi karayoo
Inta camal xumaanee
Qofba xaylad leeyahay
Xilkas baad katahayoo
Xumaan waad ka dheertahay

Xubi iyo kalgacal baad
Xujusoo naftaydii
Xaydhaan barwaaqaa
Xiro lag beertoo
Ku xanaanisaa
anna kugu xishmeeyaa

Nin xilqaadi karayoo
Inta camal xumaanee
Qofba xaylad leeyahay
Xilkas baad katahayoo
Xumaan waad ka dheertahay

Exit mobile version