Yarkaan juuqdaba u gabay
Yarkii ii diiday jiif
Yarkaan u jarmaadayoo
Yarkaan jamashada dartii
Jiqdiyo kaymaha u maray

2x

Jabuutiyo booramiyo
Jigjiga burco iyo sanaag
Ilaa jawhariyo xamar
Ma helin kaan jarinayee

2x

Jacaylka yarkii i baday
Naftayda midkii jirabay
Midkaan u jaanjaamayoo
Midkaan jeexyada dartii
U jiray boholada

2x

Jabuutiyo booramiyo
Jigjiga burco iyo sanaag
Ilaa jawhariyo xamar
Ma helin kaan jarinayee

2x

Exit mobile version