iska dhowr xusuusaha
kuwa lagu xanuusado
ha xalayn erayada
ruuxi geesha ku dhaho

qoys xantaada jeceliyo
xasidkana dhag ha u dhigin
qof xantaada jeceliyo
xasidkana dhag ha u dhigin

wixii shalay kaa xumaaday
xalay tagtaye ilow

ha xanibin damiirkana
adigoo xora hadal

meesha lagu xifaaltamo
wakhtigaaga kala xilo
qof kastana xaale
halkuu kaaga xidhan yahay

xurmadiyo wanaaguna
yaan xiskaagu kaba tagin

Exit mobile version