nafbaan ahay aawada
jacaylku ku itaalsade
urkayga waxaan ku haysto
ka daalaco ogadayda

dibnaha ku busaylay daawo
ilmada ka dhacaysa daawo
sidaan kugu oomay daawo

axdina ruuxi galaa
inuu oofiya haboone
age xaal kuma jooge
maxay kula tahay eega

qofbaan ahay aynigaa
aduun ka ishaaratee
kashaydu waxay odhanayso
ka garo aragtidayda

qalbiga ku eegta dheeho
dadkii ka iloobay dheeho
siduu kuu ishay dheeho

axdina ruuxi galaa
inuu oofiya haboone
age xaal kuma jooge
maxay kula tahay eega

Exit mobile version