VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhagar qabe - Lyrics

Anoo dheemmaniyo Dhalaal dahaba Labeenta dhabankaygu Dharaar ka caddahay Adaa i dhiboo Idhalan rogayee Maxaad iga dhayani wiilyahow Adigu dhagarqabe Qalbiga iibdhaaf Macaan dhunkashadu Dhab kaama ahee Dhaaxaan dhamayoo Dhaxanta degayee Boggaad dhilatiyo Qalbiga dhakafaar Dhagaha maqalkiisu Dhagaysanayaaaaaa Anoo dhutiyaan Rajada dhowrayaa Inaan dhexda xidhoo Dhulkaba ka kacaa Markale dhugashada Dhamaystiro Gayaan ka doorto Jacaylka dhabaaa Ninyahoow gabadhaydan Dhafoorkuku dhagay Dhuuxiyo xididadu Dhinbil ku noqdeen Intaad dhiqi laheeyd Dhamaystiri laheeyd Jacayl dhicisoobay Dhulkaad kuriddeee Wixii danbi dhacay Adaa dhigayee Dheeftana iiga dhigay e Dhamac kulayloo Dhardhaariyo Dhuxul meegaagoo Dhabbada cagta saaray Dheelmadayee Anoo dhutiyaan Rajada dhowrayaa Inaan dhexda xidhoo Dhulkaba ka kacaa Markale dhugashada Dhamaystiro Gayaan ka doorto Jacaylka dhabaaa....
Queue is empty
-- / --