VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dhagar qabe mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Farhiya Kabayare
Dhagar qabe

Anoo dheemmaniyo
Dhalaal dahaba
Labeenta dhabankaygu
Dharaar ka caddahay
Adaa i dhiboo
Idhalan rogayee
Maxaad iga dhayani wiilyahow
Adigu dhagarqabe
Qalbiga iibdhaaf

Macaan dhunkashadu
Dhab kaama ahee
Dhaaxaan dhamayoo
Dhaxanta degayee
Boggaad dhilatiyo
Qalbiga dhakafaar
Dhagaha maqalkiisu
Dhagaysanayaaaaaa

Anoo dhutiyaan
Rajada dhowrayaa
Inaan dhexda xidhoo
Dhulkaba ka kacaa
Markale dhugashada
Dhamaystiro
Gayaan ka doorto
Jacaylka dhabaaa

Ninyahoow gabadhaydan
Dhafoorkuku dhagay
Dhuuxiyo xididadu
Dhinbil ku noqdeen
Intaad dhiqi laheeyd
Dhamaystiri laheeyd
Jacayl dhicisoobay
Dhulkaad kuriddeee

Wixii danbi dhacay
Adaa dhigayee
Dheeftana iiga dhigay e
Dhamac kulayloo
Dhardhaariyo
Dhuxul meegaagoo
Dhabbada cagta saaray
Dheelmadayee

Anoo dhutiyaan
Rajada dhowrayaa
Inaan dhexda xidhoo
Dhulkaba ka kacaa
Markale dhugashada
Dhamaystiro
Gayaan ka doorto
Jacaylka dhabaaa….

codkii Farhiya Kabayare