Caashaqi weligii lagama dhargoo
Dhuuxiyo lafahuu udhaadhacaa
Dhuunta cunaha ay martiyo
Dhiiga iyo wadnahuu dhexsocdaa

Sida dhabic roobaan kugu dhacaa
Sida wiil aan dhalaan kaaga naxaa
Dhibta iyo ceebta kuu diidaa

Nagahay aday ku maqlaan
Indhahayguna aday ku dhugtaan

Soo dhawaw Dhabta aan ku saaree
Dheesha dheeshee
Dhakac dhakac, aan dheelnee
Dhuumashoo, aan dheelnee

Dhamac caashaqaaga igu dheeree
Dhabtiii adigaa kugu dhaartaa
Dhakhtarkiii jaceylkana adiga ahow
Bogtana adigaa dhayi kareee

Sida dhabic roobaan kugu dhacaa
Sida wiil aan dhalaan kaaga naxaa
Dhibta iyo ceebta kuu diidaa

Nagahay aday ku maqlaan
Indhahayguna aday ku dhugtaan

Soo dhawaw Dhabta aan ku saaree
Dheesha dheeshee
Dhakac dhakac, aan dheelnee
Dhuumashoo, aan dheelnee

Exit mobile version