inanyahaw humaagaaga
aragiyo horjoogaaga
hiyi kiciyay laabtayda
hanashana qalbiga deeqay

adigaa hurdee maanka
naftan kugu hadaaqaysa
way kuu hilowdaaye
qof dartaa u hawshooday
hadimiyo lur ha u gaysan

siduu ii halaakeeyay
haduu heeryo kuu saaro
kugumaan haleeyeene
niyadan kuu heelan
iyo hano quluubtayda

inkastoon halkaadiisa
caashaqa hamuuntiisa
wali qabo haraadkiisa
hoo ku shida dareenkayga

anigoon hurayn goorna
naftu kay u heesayso
hamigiyo go'aankayga
waxa ii hir gali waayay
habrashiyo xishood weeye

Exit mobile version