jacaylku waa nolol qabow
waa malab iyo shay qurxoon
waa qalbi qayrkii heloo
marnaba laga qaadi karin
qaabkii caashaqu wakaa

qofkuu heeryada dul dhigo
wuxuu la qushuucayaa
qandhadii caashaqaa ku rarano
qofkuu rabaybaa ka maqan

qudhaada anaa u maqan
qiiqiyo ololkana ka damin
adaa qiiro ooyayee
qalbiga adigaa ku qoran

dareenku waa qaanso roob
qofkaan rabo waaba luul
waa quud malab lagu daroo
qunyari kaa daadaagee
qaabkii caashaqu wakaa

sidii layla iyo qays
ALLE qudha kaama jaro
hadaan qoys wada dhisnana
qalbigu wuu qaboobi lahaa

Exit mobile version