adaa labiyo toban jeer laabtani ku raacdoo
lubigayga maan galin inay kaa ladnaaree

layr caafimaadoow ma labaatan jeerbaad
nafta leexa saartood ka ladaabtay caashaqa

waxan ladi lahaa jiif lac sariirta oran lahaa
adoo igu lamaanoo meher la iigu kaa xiro

anoo laas xareed iyo laaca meel le joogoo
lulanaaya caano labeentana ku dhaashtee

sida layli goobaaleey ama luuf caruureed
lagdin maaha caashaqu libin weeyi kuu timid
by masuul.com

Exit mobile version