Halkuu nabdigaygu tagay
Halkuu nuurku iiga baxay
Ka soo noqon maayoo
Qofkay niyadayda iyo
Naftayduba jecel yihiin
Ma ihi ruux nici karee

Nasteex caashaqaa u qaad
Nuskaaga jacayl ka hoo
Nasteex caashaqaa u qaad
Nuskaaga jacayl ka hoo
Sidaydana ugu nugloow
Nolosha aan qaybsanee

Anoo noolaha u jecel
Markaan naawilaayayee
Nasiibkuna i raaciyoo
Qisaas ku nugaatayo
U dhigan nuugaysa oo
Naftaydana ku aaminoo

Nasteex caashaqaa u qaad
Nuskaaga jacayl ka hoo
Nasteex caashaqaa u qaad
Nuskaaga jacayl ka hoo
Sidaydana ugu nugloow
Nolosha aan qaybsanee

Exit mobile version