Inanyahoow ishaan
Kugu eegayee
i ilmeesayoo
Weli ooyeesee

Aminkaad baxdaiyo
Ayaamahaad maqneed
Sidii sahan anbaday
Halis ila noqdee

Nafta olal ku gubay
oonkana haayee
Aragaada jecel
ma adkeesatee
goormaad  ii iman

ma adkeesatee
goormaad  u iman

Inanyahoow intaad
Aqal igu xirtee
I iloowdayoo
Arxan ma ii galinee

Uragada aan qaboiyo
Arimada qarsoon
walee inaan qaboo
Ma ogaan kartidee

Nafta olal ku gubay
oonkana haayee
Aragaada jecel
ma adkeesatee
goormaad  ii iman

ma adkeesatee
goormaad  u iman

Exit mobile version