qudhaad daganayd dusheeda sare
dartaa u nuglayd dareenka jacayl
adaa durkiyoo daraad eryadee
ku diiday hadee dariiqa banee

daryeel ruuxdaan danee ku lahaa
dabiib qalbigaan dawee ku lahaa
adaa ka danaystayoo daayee
dawgaad martay uun dib ha uga labayn

damiir ku nacaan ku doonaynoo
qasrigaa dumisa dib loo dhisayoo
naftii dayacnayd ninbaa dajistee
dabaysha xagaa digtoon u ahaw

daciifka adaa kashii ku duroo
danayn waayayoo duleeyay naftee
dantaad ka lahayd ha kuu darartee
duruustii hore xasuus ku dareen

dayawga adaa ku dooxay xiskoo
darbeeyay jacaylka oo daldaloo
dugaag u hibeeyay oo dayro dhahee
ha daalin arboowe ee duurka lugee

Exit mobile version