naftaa quruxsaneey ku qushuucsanoo
waan kuu qiroo qalbigaa kurabaa
qumanoow kashaa kula qaadatoo
amba waan qiroo waan kula qaba
kugu qoray bogoo qorm aad degtaan
kaaga qoylayoo qaas kaga dhigay
amba qalaiyo qasrigii wadnahaa
kugu qaabiloo qudha kuu fasaxay
qabso gaanta oo qoys ilawadaag
ila qaybso nolol qosol aan farxee
gacantayda qabo qoys la wadaag
ila qaybso nolol qosol ana farxee

qudhan kaa heshaa qaabsanay dartaa
quudkiyo legmada aan qadan karin
amba kugu qancoo ka qawaday inaan
qorshe kala heloo qofna kulama simo
kugu qoray bogoo qorm aad degtaan
kaaga qoylayoo qaas kaga dhigay
amba qalaiyo qasrigii wadnahaa
kugu qaabiloo qudha kuu fasaxay
qabso gaanta oo qoys ilawadaag
ila qaybso nolol qosol aan farxee
gacantayda qabo qoys la wadaag
ila qaybso nolol qosol ana farxee

Exit mobile version