Hadii aad ogtahay
Sida ay indhahay
Eegmadaa qudha
Kuugu oynayaan
Waad ilmayn lahayd
2x
Dhaguhuna orod iyo
Ereyada macaan iyo
Anbaqaadka sheekada
Ugu ooman yihiin
Kamaad aamusteen adi
2x
Hadii aad ogtahay
Sidaan aynigaagii
Kaa meeleeyay
Uurka kuugu qoray
Waan hubaa aboowow
Inaad inaad Inaad ii asxaan fali
2x
Hadii aad ogtahay
Sida uu afkaygii
Amaantaada tirinteed
Uu ugu irmaan yahay
Waad adeeci lahayd
2x
Adimada cagaha iyo
Gacmahaan itaalsado
Lixaadada adeegaa
Awood fuliye ugu tahay
Arxanbaad ugu noqon lahayd
2x
Hadii aad ogtahay
Sidaan aynigaagii
Kaa meeleeyay
Uurka kuugu qoray
Waan hubaa aboowow
Inaad inaad Inaad ii asxaan fali
2x

Exit mobile version