hadii aad ogtahay
sida ay indhahay
eegmadaada qudha
ugu oynaayaan
waad ilmayn lahayd

dhagahuna oraahdiyo
erayada macaaniyo
anbaqaadka sheekada
ugu oomanyihiin
kamaad aamusteen

hadii aad ogtahay
sidaan aynigaagii
kaa aamineeen
uurka kuugu qoray
waan hubaa aboowow
inaad ii axsaan fali

hadii aad ogtahay
sida uu afkaygii
amaantaada tirinteed
uu ugu irmaanyahay
waad adeeci lahayd

adimadacagaha iyo
gacmahaan itaalsado
lixaadada adeegana
awood fuliyaha ugu tahay
arxanbaad u noqon lahayd

Exit mobile version