dhaladiyo waxaa tahay
dhalinyarada wiilkaan
kala so dhexbaxayo
naftaa kula dhacaysee
dhererkiyo laxaadkaa
qayrkaa ku dhaaftaa
dhismahaaga wacanbaa
qaysoow i dhaawacay
adaa dhaansaday qalbiga
adaa dhaayahaanfacay
adaa dex fadhiya wadnaha
adaa dhuuxa galay hubaal
ana qaaliyoow ana waan ku dhawraya wali

amnba dheemantaydaay
dheehaaga midabkaa
dhugashada ilqabdka
dhaawacay naftaydee
dhoole qosolkaagiyo
timahaaga dheeriyo
birimooy dhexdada
igu dhalisay caashaqa
adaa dhaansaday qalbiga
adaa dhaayaha anfacay
adaa dhex fadhiya wadnaha
adaa dhuuxa galay hubaal
ana qaaliyeey ana waan ku dhawryaa wali

dhsmahiyo waxaa tahay
noloshayda dheeliga
halyeygii ka dhawree
dhamaantay i deeqee
dhuuxiyo qalbigaa
hubaashii ku dhigantoo
dhaayaha u roonoow
dhabtii waan ku jeclahay
adaa dhaansaday qalbiga
adaa dhaayaha anfacay
adaa dhex fadhiya wadnaha
adaa dhuuxa galay hubaal
ana qaaliyeey ana waan ku dhawryaa wali

sooomaali dhaladaay
dhaqankiyyo asluubtaa
dhawrsoni sharaftaa
dumarkii ku dhaaftaye
jacayl aan dhamaanayn
dheemantaan ka helayeey
nafta dhiiiri gallisaay
dhabti waan ku jecelahay
adaa dhaansaday qalbiga
adaa dhaayaha anfacay
adaa dhex fadhiya wadnaha
adaa dhuuxa galay hubaal
ana qaaliyeey ana waan ku dhawryaa wali

Exit mobile version