Ninka i dhaliilayoow
Walaal waan kuu dhintaa
Adaan kuu dhaarsanahayoo
Dhidiyo udubaynu nahayee
2x
Ul iyo dheebaynu nahay
Dhag iyo maqalbaynu nahay
Dhuuniyo anfacbaynu nahay
2x
Adaabaan kula dhashee
Mid aan ila dhiig ahayn
Sidee sidee
Sideen kuu dhaafsadaa
2x
Dhaleecada maad hurtaan
Haweenka maxaa u dhibtaan
Dhaleecada maad hurtaan
Haweenka maxaa u dhibtaan
Miyaan hooyo idin dhalin
Oo miyaydaan walaalo ahayn
2x
Adaan kuu dhimanayaa
Intaad ugu dhaarataan
Dharaaro markaad qabtaan
Maxaad uga dhuumataan
2x
Dhalaanka maxaa u nacdaan
Dhashiina maxaa u hurtaan
Maxaad isla dhalan rogtaan
2x
Hadaydaan dhaqan karayn
Ama aydaan dhamays tirayn
Waar jacaylka jacaylka
Jacaylka maxaa u dhistaan
2x
Dhaleecada maad hurtaan
Haweenka maxaa u dhibtaan
Dhaleecada maad hurtaan
Haweenka maxaa u dhibtaan
Miyaan hooyo idin dhalin
Oo miyaydaan walaalo ahayn
2x

Exit mobile version