Jacaylkii i jiitee
I jujuubay anigoo
Buuraha u jeexay
Jabadkii hadaan imid
2x
Farxad aan la jiifsaday
Jira waan is daynoo
Jaliil ii gargaar

Gayigaan jeclaayoow
kuu jeelay aniguye Ku jantaye
Kaalay jaanta ila qabo
Kaalay jacaylka ila qabo
2x
Jacaylkii jajuubiyo
Jirabkiyo xanuunkiyo
Jabaqlada u soo maray
Hadii jaalkay maanta
2x
Noqday jeenigay midig
Janadii fardawsiyo
Inaan joogay moodee
2x
Gayigaan jeclaayoow
kuu jeelay aniguye Ku jantaye
Kaalay jaanta ila qabo
Kaalay jacaylka ila qabo
2x

Exit mobile version