Hubaal aragtidaadii
Markii aan markii aan
Markii aan ku halacsaday
Sow jacaylku ima helin
Sow jacayl sow jacayl
Sow jacaylku ima helin
2x
Hilbahayga jiidhkiyo
Xididada halbawlaha
Hanti waaxyahaygoo
Wadnuhu haleelee
2x
Ma huraan dantaydiyo
Howl kamaa dhamayatoo
Ma huraan dantaydiyo
Hawl kamaa dhamayatoo
Ogoow hiigsigaagiyo
Hamibaad ku dhaafaa
Sidaan kuu sidaan kuu
sidaan kuu sidan kuula haystayee
2x
Ifka hiilku weeyee
Ruuxna ruux ma haybsado
Hadii hoyga aakhiro
Loo kala hayaamee
Ha iga goyn nasteexiyo
Naxariista hadalka leh
Ha iga goyn nasteexiyo
Naxariista hadalka leh
2x
Adigaan had iyo goor
Kuu kuu kuu heelanahee
Ma hakrado dhankaagee
Ma hakrado ma hakrado
Ma hakrado dhankaagee
2x
Hiyigayga laabtiyo
Kalgacaylku halistii
Halkii aad ku beertuu
Hanaqaad ku gaadhee
2x
Ma huraan dantaydiyo
Howl kamaa dhamayatoo
Ma huraan dantaydiyo
Hawl kamaa dhamayatoo
Ogoow hiigsigaagiyo
Hamibaad ku dhaafaa
Sidaan kuu sidaan kuu
sidaan kuu sidan kuula haystayee
2x
Ifka hiilku weeyee
Ruuxna ruux ma haybsado
Hadii hoyga aakhiro
Loo kala hayaamee
Ha iga goyn nasteexiyo
Naxariista hadalka leh
Ha iga goyn nasteexiyo
Naxariista hadalka leh
2x

Exit mobile version