hubaal aragtidaadi markii aan
ku halacsaday sow jacaylku
ima helin
hilbahayga jiidhkiyo xididada
halbawlaha hanti waxyahaygo
wadnuhuu haleelee
ma huraan dantaydiyo hawl
kama dhamaystoo ogow
hiirsigaagiyo hami baan ku
dhaafa sidaan kuula hayste

ifka hiilku weeyee ruuxna ruux
ma haybsado hadii hoyga aakhiro
loo kala hayaamo hayga goyn
nasteexiyo naxariista hadalkee

aadigan had iyo goor kuu heelanahyo
ma hagrado dhankaagee
hiyigayga laabtiyo kalgacaylku
halistii halkii aad ku beertuu
hanaqaa ku gaadhee

Exit mobile version