indhaha ku dhaygagayee
meeshii aad ka dhaqaaqdoo
wali dhawrayoo sii dhuganayee

dhaqdhaqaaqa joogsigaaga
dhabtii aad istaagtiyo
dhunkashadii macaanayd
dhoola ka qosolkaagii

dhaawacbaa i gaadhoo
dhanka aad iga jirtaabuu
jacayl ii dhuumanayaa

nin la dhawrayooyo
waan ku dhawrayaa
maxaad dhawraysaa

nin la dhawrayoow
waan ku dhawrayaa
dhame soo dhawaw

dhiirane jacayl iyo
doob dhaarsanbaa i helay
inta dhiiga qaadiyoo
lafuhu dhameeyoo

dhinacaad istaartaa
dhamacii ka kululoo
dhafartii habeenkii
ma ilaawin dheeshee

dhibicdoo da'aysiyo
cirkoo dhado dabooshaan
dharaar kugu riyoodaa

Exit mobile version