VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Intro wayrax - Lyrics

Bishaaro bishaaro Waxa la idinku bushaaraynayaa albumka cusub ee wayrax. albumka cusub ee wayrax waxa soo saartay fanaanada codka halaasigaa leh fanaanadii la holin waayay fanaanada codka yunika ah leh waa Fartuun Axmed Sahal Firginle (Fartuun birimo). Oo maxaad la weyraxday Fartuun ayaa inoo sheegaysa Sida la iigu weynyahay Jacayl igu weyraxay Wadnahayga inankii Waayahan dhex jiifsaday Wiil aan kugu doorsado Kaba waayay dunide Ha ka bixin wacadkii Farxad aan ku waarnee Waa ereyada ku jira albumka weyrax . Albumka weyrax ayaa isu tagay abwaano culusoo ay ka mid yihiin Maxamuud C/laahi Ciise ( Sangub ) Maxamed jaamac ( Ilka case ) Diini C/Qaadir shiini ( Diini Yare ) Salaad Cabdi Aadam ( Salaad Dheere ) C/Qaaadir Xuseen Xaashi ( Gurbiye ) Laxanka waxa saaray Cali Shaacir Axmed Xasan Dige Muxumed Cali Cigaal & Diini Yare Albumka cusub ee weyrax musica aad ku weyrixi doontaan waxa tumaya fanaankii musiciankii Maxamed Axmed Xaashi ( Caynba cayn ) oo ku nool nairobi hadaba albumka cusub ee wayrax oo ay ku jiraan heeso aad, aad uga heli doontaan ayaa waxa soo saaray studiaha Birimo Studio oo ku yaala magaalada toronto waa anigoo Xasan C/laahi Cumar ( Kalabteeb ) oo idin leh albumka cusub ee wayrax aan ku wada weyraxno .
Queue is empty
-- / --