jacal dhiig malagu qoray
wali dhuux ma loo shubay
qofna saanta dhabarkiyo
ma u dheegay feedhaha
dhabanada cad laga jaray
hadalkii malagu dhigay
xinjir aan is dhalan rogin
midabkedu dhiin yahay
laga dhuray halbawlaha
wali dhiig ma laga shubay
laba ma is dhansiiyeen
sida dhayda xoolaha
dhegdheg ma uwadaageen
hadaan lasku dhimanan
nafta laski dhiiban
saw maaha dhalan teed
jacal dhaawiciisii
qofna wali dhibtiisii
dhaayaha ma beeloo
dhaguhuna ma awdmeen
dhaxan suu u taagnaa
maka daatay dheehii
dadku ma iska dhaafeen
dhagax ma umaleeyeen
wali dhaymadiisii
dabka lagu dhaweeyaa
halka uuku noolyahay
meeshuu ka dhawyahay
kun habeen ma u dhaxay

Exit mobile version