sida koronkortiibuu
i kor dagay jacaylkoo
kooruhuu i saartee

kaabi iyo makaab adag
oon kala dhaqaaqayn
kaafi ma isu noqonaa

kolay waa aduunyoo
kala maarmi maynee
ma adaan kobtaadii
ku filnayn macaanoow
mise kaalintaydii
anaan kaso bixin

adigaa i kurbeeyoo
nafta keeno galiyoo
kalgacaylkan igu raray

waxuu se kaafi nuuraa
kolka aan wadaagnee
kalinimadu waa ii cudur

Exit mobile version