Igu ligan igu ligan
Sida lee kalgacalkuyee
Luda iyo wadnaha
Liishaanka beerkuu ila helay
Ila helaya nabarkee
2x
Lafuhuu i jabiyoo
Loodi waaya socodkee
Ladanoow daraadaa
Waanigan la liitee
2x
Laqanyadii cishqiga
Igu kaa lamaanoo
Lumayoo lumayoo ma joogee
Lumayoo ma joogee
Ila laba lis caashaqa
2x
Igu lulay igu lulay
Sida laan kalgacalkuye
Labxaduu dhex maray
Anigoo lilaahiya mar qudha
Layligaa maydhaay
2x
Halkuu laac i leeyahay
Laxaad laguma gaadhoo
Libin ii horseedoo
Ila luudi caashaqa
2x
Laqanyadii cishqiga
Igu kaa lamaanoo
Lumayoo lumayoo ma joogee
Lumayoo ma joogee
Ila laba lis caashaqa
2x

Exit mobile version