Naf Ku Jecel Aduunyada
ba U Wacan Wax Nololiyo
nabad Lala Wadaago
nimco Lagula Waaree
ma Nugliye Kalgacalkaa
naariyo Ka Daran Olol
markuu Nudaygaa Kaa Galo
nabar Weeye Halisee
ee Taa Nabdiga Gali
oo Soo Noqnoqoshada
hayga Moodin Nacasnimo
anna Haddii Aan Ku Naawilay
naqba Waa La Dhawraa
nasiibku Haygu Kaa Simo

Neecowdoo Da’aysoo
Onkod Nawda Ka Hayaa
Iga Heshay Nugaal Oon
kaligay Ku Noole
adna Kayn Nabadliyo
dhul Naruuro Joogtaa
naxdin Li’i Ku Hurudaa
nabsiga Dhowri Meyside
ee Taa Nabdiga Geli
oo Soo Noqnoqoshada
hayga Moodin Nacasnimo
anna Haddii Aan Ku Naawilay
naqba Waa La Dhawraa
nasiibku Haygu Kaa Simo

Exit mobile version