Qaxooti adoo ku jooga
Adoon qadadiiba haysan
Hadaad is qaboojinayso
Qamaarka hadaad ciyaarto
2x
Habeenkii hadaad qasmayso
Dharaartiina uurinayso
Habeenkii hadaad qasmayso
Dharaartiina uurinayso

Qalbiga been looma sheegee
Miyaa la is qabi karaa
Miyaa la is qabi karaa
2x

Tanada qubanaha dhex joogo
Sidii qarankeenii maahee
Qurbaha dhalanteed ma yaalee
Qaarkiinbaa lagu dhayaa
2x
Runbaa qoys lagu dhaqaayee
Haday noloshii qabyooday
Runbaa qoys lagu dhaqaayee
Haday noloshii qabyooday
2x
Qalbiga been looma sheegee
Miyaa la is qabi karaa
Miyaa la is qabi karaa
2x

Exit mobile version