Subaxdoo daruuruhu
Sinta ay isasaareen
Qoraxduna lasiman
Tahoo saxan saxo
Udgoon loo x2

Dhirta caleemo saafto
Ubuxuna dulsuran yahay
Ee sanku neefluhuna
Farxad hurdada kaga
Sara kacayeey x2

Sidoodaad jaleecada
Qalbigayga suran too
Jacayl iigu kaasimay
Kaaga socday aadmiga
Adigiyo sad iyo calaf inta
Aan sugaayee saadaal–
Inaayee x2

Hadaad saaka iitimid
Ubax kugu salaamayee
Salaamayee sow sidaan
Jeclaa iyo saygaygii
Maad noqon maad tihid
X2

Wiil yahow sideedaba
Nafta kuu sad burisoo
Surimada dhexdeena
Ah soodhaafyay xaalkii
X2

Suuree wanagoo anig-
Una sidaan rabayeey
Igu soor dhankaagoo
Ha igu sahashan caa–
Shaqa x2

Sidoodaad jaleecada
Qalbigayga suran too
Jacayl iigu kaasimay
Kaaga socday aadmiga
Adigiyo sad iyo calaf inta
Aan sugaayee saadaal–
Inaayee x2

Hadaad saaka iitimid
Ubax kugu salaamaye
Salaamayee sow sidaan
Jeclaa iyo saygaygii
Maad noqon maad tihid
X2

Exit mobile version