Wadnahayga inanyohoow
Irbadaan shaqeynee
Waana adi daraadaa
Markii aan ku eegaa
Uumi iga baxaayoo
Beerka ka ololaa
2x
Albaabada dareenkiyo
Unugyadaan shaqaynayn
Albaabada dareenkiyo
Unugyadaan shaqaynayn
Sidii ruux abaydina
Waan adkaysan waayaa
2x
Waligiiba aadmigu
Itixaan ma waayo
Waa wax lagu abuuree
Niyada ma maaxa leh
Ha wada qarweyso
Aamusaan ka waayee
2x
Nafta waxa adeegsada
Araga iyo maqalkee
Nafta waxa adeegsada
Araga iyo maqalkee
Eebadii jacaylkaan
La adkaysan waayee
2x

Exit mobile version